Qormooyin

Amiir iyo Abtidoon Oo Fasaxa Xagaaga Ka Soo Laabtey

Amiir iyo “Audun” waa labo wiil oo hal fasal wada dhigto. Waa labo wiil oo aad u firfircoon marka loo eego fasalka intiisa kale. Inkastoo ay fasalka labaad dhigtaan haddana waa labo arday oo si wanaagsan ugu hadlo luqadda Norwagian-ka oo ah luqadda waddanka wax looga barto.
Amiir waxa uu u xagaa baxay waddanka Soomaaliya oo leh xeebta Afrika ugu dheer; xeeb dhererkeedu yahay 3400 km, waana waddanka labadiisa waalid ay ka soo jeedaan. Labadiisa waalidna wax badan ayeey ku taamayeen in wiilkooda ay mar uun waddankii soo tusiyaan.
“Audun” waxa uu u fasax tagay waddanka Mareykanka. Labadiisa waalidna in badan ayay tabaabusho ugu jireen sidii ay mar uun cagaha u dhigi lahaayeen labada xeebood ee fogaanta u dhaxeyso  tahay 3368 km (Xeebta bari iyo Xeebta galbeed).

Abtidoon asagana waa wiil is la iskuulkaas fasalkiisa sadexaad dhigto, waxa uu la noolyahay hooyadii oo lagu naaneeso Ayuuto-ma-dhaafto iyo Aabihiis oo lagu naaneeso Tafo-xeyte. Atbtidoon uma suurto galin sannadkaan in uu xaafadooda meel uga fasax tago, marka laga reebo dhawr cisho oo uu hooyadii Ayuuto-ma-dhaafto u sii raacay magaallada Oslo (caasimadda dalka Norway) oo ay  iyadu u daneysi tagtay.

Maanta waa 16. Agoosto, waa maalinta ugu horaysa oo ay iskuullaadka gobolkaan furmaan. Fasaxii xagaaga ayaa laga soo laabtey. Is marxabeen kadib “Astrid” oo macallimmad ka ah fasalka labaad oo ay Amiir iyo “Audun”-ba ka tirsan yihiin ayaa biloowday in ay ardaydii mid mid u salaanto, ugana hambalyeeso fasaxyadoodii ay soo dhammeysteen. Waxayna ku war gelisay, in ay iska wareysan doonaan meellihii ay u fasax tageen iyo waxii ay sameeyeen intii ay ku gudo jireen fasaxoodii. Waxaana laga yaabaa in is-wareysigaas uu qaato dhawrka maalmood ee ugu horeeyo iskuulka, waxayna ku xirantahay hadba inta  ardayda fasalka dhigato tiradooda la eg tahay.
“Astrid” ayaa u biloowday ardayda in ay uga sheekayso fasaxeedii iyo meellihii ay ku qaadatey. Waxayna hadalkeeda ku bilaawday sidaan:
– Annigu sannadkaan waxaan go’aansaday in aan fasaxayga ku qaato waddanka gudihiisa. Waxaan u fasax tagay waqooyiga Norway (Nord-Norge), Waxaan ku safray badda. Waxaan doonta  loo yaqaan (Hurtigruten) ka raacey magaallada Bergen (magaallada labaad ee dalka Norway), waxayna ila martey dhul xeebeed aad u qurux badan oo dhararkiisu la eg yahay 2500 oo mayl-badeed ah. ilaa ugu danbayntii aan tago magaallada “Kirkenes.”
MS Trollfjord
Markabkaan waxaa saaran cilmi-baarayaal u gaar ah,
waana Jaamacad guureyso.

“Astrid” ayaa gudo gashay in ay si faahfaahsan uga sheekeyso dhacdooyinkii quruxda badnaa oo ay safarkeeda kula soo kulantey. Sidoo kalena waxay ardaydii la wadaagtey sawirro qurux badan oo ay ka soo qaaday dhulkii quruxda badnaa oo ay u fasaxa tagtey. Waxa ayna hadalkeeda ku soo gabagabeysay in dalxiiskeedii uu ahaa mid aad u xiiso badnaa oo ay waligeed iloowi doonin, oo maankeedana kaga tagey raad fiican. Iyadoo dhoolo caddeeynaysana waxay ardaydii ku tiri: “raashinkana aad ayuu u fiicnaa, inkastoo fasaxa Norway lagu dhex qaato uu yahay mid aad qaali u ah.”

“Astrid” ayaa hadalkii ku wareejisay ardaydii, si ay wax uga ogaato meelihii ay u fasax tageen iyo waxyaalihii ay ku soo arkeenba. Hadba mid ardayda ka mid ah ayaa hadalka qaata, inta kalena dhegaha ayeey u raaricinayaan. Maalintii koowaadna waqtigii waxuu dhaafi waayey dhageysiga “Astrid” iyo dhawr arday oo kale, waxayna dhammaantood soo bandhigeen waxyaalo ay xiiseenaayeen ardaydii soo xaadirday fasalka. “Astrid” ayaa dhammaadkii xiisada ku war galisay ardaydii, in ay berri qayb kale oo arday ah ka dhagaysan doonaan waxyaalihii ay soo qabteen fasaxoodii. Waxa ayna hadalkeedii sii raacisay, waxaan se ku aftaxi doonnaa Amiir iyo “Audun” midkood. Waayo? Bey tiri; ” Annigu “Astrid” ahaan waxa aan aad u xiisaynayaa labada qaaradood oo ay labadooda u fasax tageen.” “Audun” oo u muuqday qof is hubo ayaa markiiba intuu soo booday macallimaddii ku yiri: “Anniga ayaa berri u diyaar ah.” Macallimaddiina waxay ku tiri: “Waa hagaag, markaa Amiir waxaan ka dhageysan doonnaa berri-dambe.” Amiir oo wiil fariid ahna waxuu ku jawaabey: ” Hawraarsan Macalin.”

“Audun” ayaa subaxdii danbe ula kala baxay buug yar oo xusuus qor ah, farshaxanna leh, kaas oo jeebka uu  ku sitay, si uu uga sheekeeyo dalxiiskiisii oo ka biloowday New York kuna dhammaadey California. “Audun” waxa uu ka sheekeeyey quruxdii iyo bilicdii wanaagsanayd oo  ay indhihiisa soo arkeen iyo sidii labadiisa waalid ay ugu hagar baxeen oo cagahiisa uu ugu tagay. indhihiisana ugu soo bogtay xarunta lagu sameeyo filamaddii ugu badnaa ee uu daawan jiray markii uu yaraa ilaa iyo hadda; waa “Disney World” ee.

Disneyland Park California
Waa mid ka mid ah 2-dii “
Disneyland”  ee loogu hor
 aasaasay, Waxaa la furay July 17, 1955.

Ardaydii iyo macallimaddii wxay si aad ah ula dhaceen warbixintii “Audun,” waxaana ka soo harey labo indhood markii ay arkeen sawirrada quruxda badan ee uu ku soo galay meelihii uu u dalxiiska tagay , haba ugu badnaatee kuwii uu ku soo galay “Disneyland Park California” iyo waliba hotel-lo qur-qurxoon oo uu deganaa intii uu dalxiiska ku jiray. Ugu danbayntii, “Audun” ayaa asagoo madaxa ruxaayo  ku soo gabagabeeyay hadalkiisa, in uu aad iyo aad ugu qanacay fasaxii uu ku tagay waddanka Mareykanka, uuna rajeynaayo in uu mar labaad soo booqdo waddankaas, waa haddii ay fusadda u saamaxdo ee. Sidaa ayeey xisaddii ku soo gaba-gaboowday, Macalimaddiina inteey Amiir dhankiisa milicsatey tiri: ” Barrina waxaan ku raaxeeysan doonaa, warbixinta Amiir.” Waxa uuna ugu jawaabey dhoolo cadeen.

Amiir oo ah wiil yar aadna fariid u ah, ayaa markii uu guriga ku soo laabtay, in yar oo nasasho ah dabadeed bilaabay in uu u tabaabusheesto maalinta berri ah, oo looga fadhiyo in uu ka sheekeeyo waxyaabihii uu kala soo kulmay fasaxiisii. Inkastoo Amiir uusan si fiican uga soo bogan bilicdii uu waddanka lahaa iyo xeebtii dheereed ee ku tiilayba, duruufo jiro iyo sababo ammaan aawgood. Hotel-na waxaa u ahaa guriga adeerkiis oo ay marti ku ahaayeen, haddana Amiir kama uusan quusan in uu sawir ka bixiyo meellihii uu tagay. Si kastabo ha ahaatee, Amiir si fiican ayuu isugu toosistay waxii uu is lahaa waad la shir tagi kartaa maalinka berri ah.

Geel la raaco waa waxa dalkeena u
gaar ahoo na la gu gartaa.

Subaxdii xigtey markii Amiir uu fasalkii soo gaaray, wajigiisa waxuu u muuqday mid ay kalsooni ka buuxdo, waxa uuna gudo galay in uu ka hadlo waxyaabihii togannaha (Posative) ahaa ee uu ku soo arkey waddanka Soomaaliya oo uu fasaxiisa ku soo qaatey. Amiir waxa uu u sheegay in Qorraxda ay maalin walba  isa salaami jireen, Geel faro badan oo wada faruuranna uu caano ka dhami jiray. In ay wada ciyaari jireen Sumal iyo Sabeen mataano ahaa, iyo in uu caws siin jiray ri wayn iyo orgi oo labaduba gar lahaa. Waxa kaloo uu sheegay, in dhawr maalmood uu ku soo dabaashay bad guuxeeysoo hir wayn, buux iyo caarin leh, Car-carsaanyaduna ay gees walbo u cararreeyso, ciiddeeduna xaani tahoo saantu ku sawirmayso. Waxaa Macallimaddii iyo dhammaan ardaydii fasalka wajigooga laga dheehanaayey in ay aad uga heleen sawirka quruxda badan ee uu Amiir erayada ku sawiray, kana siiyay meellihii uu ku soo qaatey fasixiisa. Waxayna wada illooween in ay weydiiyaan in Amiir uu la wadaago sawirradii uu ka qaaday meellihii uu u dalxiiska tagay. Macallimaddii iyo ardaydii ayaa mar qura ugu hambalyeey Amiir dalxiiskii iyo damaashaadkii uu ku soo qaatey waddankii ay labadiisa waalid ka soo jeedeen. Waxayna badankoodu ku dheheen Amiir: “Waxaan jeclaan lahaa in aan mar uun u dalxiis tago Soomaaliya.”.

In kastoo  waddankii uu Amiir u dalxiis tagay u ahaa mid burbursan, haddana waxuu Amiir go’aansaday in uu sawir fiican ka bixiyo waddanka Soomaaliya. Amiir waxa uu u soo dhabar adeegay in uu soo booqdo qoyskii ay waalidkiis ka soo jeedeen, Waxuuna indhihiisa ku soo arkey deegaan aad loo wax yeeleeyay oo geedihii ku yaaley qaar la shitay, qaarna ay bac dusha ka fuushay. Waxay indhihiisa qabteen bad xeebteedii gudaafad noqotay. Waxuu soo arkey jidad aan lahayn bar cad  oo baabuurta looga beyro, oo waliba bacaadkana dhinacyada ka jiifsaday. Waddooyin ay maleeshiyaad beeleed tuban yihiin oo dadkana baad ka qaado. Dhul cadoow looga caagay oo kuwo af-duuban diloodeen. Waxaa kaloo jirto, in wax badan oo Amiir waalidkii aynan jecleysan in dhagihiisa ay ku soo dhaceen. Dhawaqa rasaastana waxaa loogu sheegay in ay tahay  dhawaq baaruud oo ay dhallaan ku dheelayaan. Waxaa hubaal ah. in Amiir uu dadkiisa waxii ay qabeen la soo qeybsaday ee uusan dalxiis tagin.

Abtidoon waa wiil aan ka dhacin kuwii fariidada ahaa ee aan kor ku soo xusnay. Waa wiil ku wanaagsan waxbarashada, waxaa se filan waa ku noqotay in hooyadii Ayuuto-ma-dhaafto oo macalimiinta iskuulka ugu sheekeen jirtey in iyada iyo wiilkeeda ay fasax u baxayaan marka iskuulka la xiro. ay waxbo ka ma jiraan noqotay arinkaas. Tafa-xeyte oo ah Aabaha dhalay Abtidoon ayaa marnaba wax caawinaad ah u fidin qoyskiisa, maqnaashihiisana uu badan yahay. Ayuuto-ma-dhaafto  waxay Abtidoon afar cisho ku heysay guri Oslo ku yaal oo ay ku soo booqatey saaxiibteed Ha-i-wareerin. Abtidoon ayaa hooyadii ka codsaday in ay geyso meelaha carruurta u dalxiis tagaan lagana helo waxyaalaha carruurta ku madadaashaan amaba ku ciyaarto, hooyadii ayaa ku tiri: ” annigu Oslo ma kala aqaanee, yara sug inta habaryartaa Ha-i-wareerin ka imaaneyso”
Ha-i-wareerin oo markiiba iridka ka soo gashay ayaa lagu wargeliyay. in Abtidoon yara caajisay oo u baahan yahay meel uu ku madadaasho. Isla markiiba waxay tiri: ” Alla haa, saw kan dhismaha dhabarkiisa ku yaal meel carruurta ku ciyaarto, anniga ayaa soo tusinaayo ee Tv-ga iska sii fiirso saaxiibeey”, Ayuuto-ma-dhaaftana waxay ku jawaabtey: “Haye saaxibeey garabkiina Allah galo”.

Goob loogu talagaley in ciyaalka xaafadda ay ku ciyaaraan.

Abtidoon markii la tusiyay meeshii uu ku madadaaloon lahaa, ayeey nasiib xumo ku noqotey meel la mid ah tii xaafaddooda ku hor taalay oo kale. Waxay se u dhaantey guri fadhigii. Ayuuto-ma-dhaaftana waxay heshay fursad ay ku la sheekeysato saaxiibteed Ha-i-wareerin oo odaygeedii oo lagu naaneeso Tusbax-dheere qolo Pakistan ah oo waddanka North-Korea Tabliiq u aaday  horey u sii raacay.

Dhawr maalmood kadibna waxa Abtidoon iyo hooyadii Ayuuto-ma-dhaafto ay dib ugu soo laabteen hooygoodii, iyadoo waliba wiilkeeda ku galadeysatey in ay sannadkaan labo jeer Oslo geysay; waa markaan iyo mar sii horeysay oo ay ka soo qayb galeen Mu’tamarka Oslo. Abtidoon se waxa uu ka fakaraayey waxa uu iskuulka u sheegi lahaa marka fasaxa laga soo laabto.

Maantey oo fasaxii laga soo laabteyna, Abtidoon fasalkiisa waxaa ka biloowday is-waraysi la mid kan fasalka Amiir ka socdo, asaga se lama soo gaarin maantey. Waxaana lagu war galiyay in koox uu asaga ku jiro barri laga dhageysan doono fasaxoodii iyo waxyaalihii ay kala soo kulmeen. Abtidoon markii uu ku soo laabtey gurigoodii waxa uu ka codsaday hooyadiis Ayuuto-ma-dhaafto, in ay ka caawiso warbixinta uu iskuulka ka siin doono arinkaas maalinka berri ah. Ayuuto-ma-dhaafto  iyo odaygeedii Tafo-xeyte (oo caawo guriga u soo qaraab tagay) ayaa waxay ku la taliyeen wiilkoodii Abtidoon, in isbuucaan oo dhan uu iska joogo guriga , maadaama aan wax la dhigaynin oo meesha ay ka socoto wax iska sheeko sheeko ah sida: Fasaxii xagee tagtey? Maxaad soo sameysay? Labadaada waalid ma is raacdeen?  “Waxaan loo dirsan bey carrurta nooga waalayaan”, ayeey hadalkoodiina hoosta ka sii raaciyeen. Maantey waa maallintii labaad ee iskuulka Abtidoona ma soo xaadirin fasalkiisii. Abtidoon waa uu xanuunsan yahay!!

W/Q: Xasan Kismaayo

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close