Qormooyin

Cowrada Dumarka iyo Aragtida Islaamka

Waqtiyadan dambe ayaa waxaa aad usoo badanaya faham darrada mowduuca cowrada dummarka, iyada oo ay soo badanayaan dad ujeedooyin kale ka leh marin habaabinta aqoonta diimeed ee ku aadan mowduucan asturka gabadha. Waxaan ka fursan waayey inaan wax un ka dhaho mowduucan, inta waqtiga iiga saamaxo. Waxa aan ka sii hor afeefanayaa in qormadaan aanan fareynin qofna sida uu isku asturi lahaa ama uu u dhar xiran lahaa, balse ujeedkeygu uu yahay un inaan ifiyo in badan oo la qariyo, ujeedadii la rabo ha loo qariyo ee.
Sideedaba waaydan dambe waxaa si xowli ah ugu soo badanayey bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda wadaado dawaqsan oo diintii dhan cowro in la waardiyeeyo ku soo koobay. Halaaga bulshada ku dhacaayana oo ay wadaado qaar sababeen ay ka doorbideen in dhalinta soo koreyso lagu mashquuliyo hammada dumarka iyo cowradooda. Arrinkaasu waxa uu sababay in waqtgan la joogo in badan oo soo hadal qaada arrimaha diinta ay dumar un ku soo hal qabsadaan. Iyagoo weliba u tusaayo in dummarka loo abuuray inay yihiin wax raggu ku raaxeysto, sidii hanti ahna raggu u ilaalshado. Kadibna ay gaareen heer ay ku tilmaaman hadalkoodii cowro. Arinkaas waxa uu caqabad weyn ku noqday dumar badan oo door weyn ka qaadan lahaa nolosha qoyskooda iyo midda guud ee bulshada kaga aadan.
Waxa ay qormadan dummarka u ifineysaa in qaanadda hoose ee bulshada laga galiyey aysan aheyn wax Eebbe hood galiyey, balse ay qaar wadaadada ka mid ah ay ugu kala sheekeyeen iyaga iyo Rabbi good. kuna tilmaamay dumarka hanti raggu leeyahay, iyaga oo u tusaaleeya gabdhaha sida iyaga ay rabaan u labistay “cunto daboolan”, halka kuwa kalena ay ku tilmaameen “cunto feydan” iyaga oo ujeedkoodu yahay inay xayeeysiin u suubiyaan si dharka nooca ay rabaan dumarka u qaataan. Xaqiiqdii gabadhu waa baniaadam mas’uuliyadda dunidana Eebbe doorkeeda ka sugaayo, iyadana lagula xisaabtamaayo. Eebbe na la hortagi doonto xisaab waxii mas’uuliyad ah ee Eebbe qeybteeda ka saaray. Taas waxay meesha ka saareysaa inuu raggu yahay mid go’aamiya qaab dhar xirashadda dumarka. Hadaba waxaan maqlaakan ku eegeynaa cowradu waxa ay tahay, baniaadamku goorta uu bilaabay inuu cowro asturo. Asturad ma diinta Nabi maxamed baa ugu horeysay? Cowrada maxay u kala baxdaa. Quraanka muxuu ka yiri cowrada dummarka. Fahamka (fiqi) ragga diinta (Culumadii hore) ma ku kala aragti duwanayeen mise hal faham bey ka qaateen. Ereyda jalaabiib iyo xijaab ma sidaan u naqaan baa mise how kale baa ku qarsan.
Cowro micno ahaan waa waxii ka soo muuqdo inta loogu talo galay in laga asturo jirka baniaadamka ka sida ay isku raaceen culumada fiqiga. Sababo la xiriira xishoodka iyo dareenka uu ka qaadi karo jinsiga kale ee la midka ah ama ka duwan. Rag iyo dumarba cowro beey leeyihin laakin midda hada aan u fadhino inaan ka hadalno waa midda dumarka oo waqtigaan dambe na marin habaabino badan lagu suubiyo dantii la rabo ha laga lahaadee.
Waxaa haboon marka hore inaan isla garano in Aadanaha asalkiisaba uu Illah ku abuuray xishoodka iyo isdadidda, waxaana ka soo horjeedaa aragtiga dhahaysa Aadanaha waa uu qaawanaa markiisa hore, taas waxaan ku xoojinaayaa Aayadan 121 aad ee suraada “Dhahaa”.

 

فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ الْجَنَّةِ ۚ وَعَصَىٰ آدَمُ رَبَّهُ فَغَوَىٰ (121)

 

Aayadan waxaan u soo qaatay oo kaliya qaybta dhahaysa marka ay cuneen qayb kamid ah geedkii waxaa soo muuqatay cowradooda markaa ayay durbadiiba bilaabeen in ay gurtaan caleemhii Jannada. si ay u huwaddaan, cawradooda na ugu qariyaan ayay usameeyeen Xawa iyo Addam Nabad gelyo korkooda ha ahaatee.

 

Taariikh ahaan Aadanaha qaawanaan kuma uu billaabin noloshiisha, inta uu Aadane jiray oo idil dhar xirashada iyo isdaboolida way jirtay, haba kala duwanaadaan nooca dharka iyo qaabka loo xiran jiray. Iyada oo taa jirta ayaa hadda waxaa la heli karaa dad aan rabin in ay dhar xirtaan ama ay dhar yaraystaan, sabab la xiriirta dhaqan iyo wax ka ag dhow. Dadkaa iyaga ah waxaa laga heli kara dunida meela kala duwan, iyagoo leh taariikho kala duwan iyo jinsiyada kala duwan. Inkastoo dadka aan dharba xiran ay yihiin dad aad uyar marka loo eego tirada dadka dunida ku nool. Taas waxa ay meesha ka saareysaa humaaga loo yeelaayo in asturaad oo dhan ay diinta muxamdiyada la socotay oo waxii ka horeeyey ayna dadku astur shaqo ku laheyn. Hadaba maxay diinta ku soo kordhisay xirashada dharka dumarka, maxaase horay caado ahaan loo yaqaanay? Waa su’aasha u baahan in la is dul taago.
Shareecada Islaamka Iyo Asturida Cawrada;
Inta aan u galin Shareecada waxa ay ka qabto asturaadda Cawrada, gaar ahaan tan dummarka oo aallaaba muran ka taaganyahay, waxaan rabaa in aan saxo eray bixin khaldan oo aad loogu wareeriyay guud ahaan dummarka muslimiinta ah, gaar ahaan kuweena Soomaaliyeed oo u gacan galay wadaado Cajam ah oo markii horeba luqadda Quraanka aan u dhalan, haddana iyagoo heerkii la rabay aan ka gaarin barashada luqadda, bilaabay in ay dadka siday doonaan ugu turjumaan diinta.
Aan hoos u dhaadhacee eray bixinta khaldan oo aan rabo in aan caddeeyo waa erayga “Xijaabka” oo loo adeegsaday habka ay dummarku isu asturaan. Toddobo goor ayaa Quraanka lagu xusay erayga “Xijaab” oo macneheedu yahay wax la kala qariyay oo aan sinaba isu arki karin, amaba jiidaar la kala dhex dhigay. Waana sidaan:
– Aayadda koowaad

 

, فَقَالَ إِنِّي أَحْبَبْتُ حُبَّ الْخَيْرِ عَن ذِكْرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتْ بِالْحِجَابِ /

 

Oo markaas uu yiri ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebbe xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo.

 

– Aayadda labaad. فَاتَّخَذَتْ مِن دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَا إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا / Oo waxay ka yeelatay xaggeeda astur, oona u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg.
– Aayadda sadexaad, وَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ جَعَلْنَا بَيْنَكَ وَبَيْنَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ حِجَابًا مَّسْتُورًا / Markaad Quraanka akhriyi waxaan kala dhex dhignay adiga iyo kuwa Aakiro rumaynin xijaab(dayr) wax astura.
-Aayadda afaraad, وَبَيْنَهُمَا حِجَابٌ ۚ وَعَلَى الْأَعْرَافِ رِجَالٌ يَعْرِفُونَ كُلًّا بِسِيمَاهُمْ / Dhexdoodana waxaa ahaan Xijaab Aeraafkana (Meel sare) waxaa ahaan Dad ku Garan Cid Kasta Calaamaddooda.
– Aayadda shanaad, وَقَالُوا قُلُوبُنَا فِي أَكِنَّةٍ مِّمَّا تَدْعُونَا إِلَيْهِ وَفِي آذَانِنَا وَقْرٌ وَمِن بَيْنِنَا وَبَيْنِكَ حِجَابٌ فَاعْمَلْ إِنَّنَا عَامِلُونَ /Waxayna dheheen quluubtanadu waxay kaga sugantahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahanagana waxaa kaga jira culeys, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab, ee camal fal anana waancamalfaleynaaye.
– Aayadda lixaad, وَمَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُكَلِّمَهُ اللَّـهُ إِلَّا وَحْيًا أَوْ مِن وَرَاءِ حِجَابٍ أَوْ يُرْسِلَ رَسُولًا فَيُوحِيَ بِإِذْنِهِ مَا يَشَاءُ ۚ إِنَّهُ عَلِيٌّ حَكِيمٌ/Uma suurawdo Dad inuu Eebbe la hadlo waxyi mooyee, ama kala hadlo xijaab gadaashiis, ama uu u soo diro farriin (Malag), oo markaas ugu waxyooda idamka Eebe wuxuu doono, Eebana waa sarreeye falsan.
Aayadda toddobaad qayb ka mid ah, وَإِذَا سَأَلْتُمُوهُنَّ مَتَاعًا فَاسْأَلُوهُنَّ مِن وَرَاءِ حِجَابٍ ۚ/Haddaad wax warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada Xijaab gadaashiis.
Haddaba, dhamman Aayadaha Quraanka ee aan kor ku soo xusnay waxaa ku cad macnaha loola jeedo “Xijaab” , Xijaab waa teedah kala qarinaayo labo sheey iyo wax ka badan, kala qarin buuxdo oo aan waxba laga sooreebin, kala qarin aan fool, farro iyo faraanti midna aynan suragal ahayn in la arko. Sidaa darteed waxaan is ogolaanaynin in dummar lagu dhaho is xijaab, haddana la dhaho wajigaada iyo gacmahaada waa laga soo reebay xijaabka oo waa la arki karaa.

 

Waxaa tusaale fiican noogu filan in Soomaalida qofka markuu dhinto ay dhahaan: ” Hebel/Heblo wuu/way xijaabatay”. Waxaa rajeynayaa in erey bixintaa khaldan laga wareeysto kuwa la soo indho cad oo waliba rabo in ay dadka diin uga dhigaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, marka laga hadlaayo cawro la daboolaayo, eray bixinta saxda ah ee loo isticmaalayo waa: ” ستر العورة / Cawro asturid” sida ay Culimada fiqiga iyo Madaahibtaba ugu adeegsadaan dhiganahooda (kutubtooda).
Haddaba, marka laga hadlaayo asturaada cawrada waxaa laga fiiriyaa laba dhinac oo kala ah:

 

1) Asturaadda cowrada marka la tukanaayo (Salaadda dhaxdeeda)

 

2) Asturaada cawrada iyadoon aan salaada lagu jirin.

 

Tan hore oo ka mid ah sharuudaha salaada waxaa aad loogu lafo guraa cilmiga fiqiga, Qofkii rabo in uu wax ka ogaado waxaa haboon in uu dib ugu noqdaa dhiganayaasha figiga, waayo? Laguma soo koobi karo hal maqaal, waxaan rabaa oo kaliya in aan tilmaamo in asturaadda cowrada marka la tukanaayo (Salaadda dhaxdeeda) ay ku ka tagsan yihiin A’immada fiqiga, gaar ahaan Mad’habka Maalikiga ayaa Cawrada u kala qaado mid fudud iyo mid culus,ka hadalka khilaafka fiqiga wuu dheeraanayaa sidaa awadeed ma doonaayo in aan ku sii fogaado mawduucaas.
Mawduuca aan rabo in aan si faahfaahsan uga hadlo waa kan labaad oo ah: “Asturaada cawrada iyadoon aan salaada lagu jirin,” Waxaan ku soo koobi doonaa asturaadda cawrada dummarka maadaama ay tahay midda aadka loogu tarax tago ilaa magaceedii asturaada ahaana loo badalo xijaabasho, dhimasho, qarin, iyo in mujtamaca laga takooro ilaa ay ka shaqaysan waayaan ama adduunkooda kaleba raacan waayaan,
Aan ku bilaabo labo Aayadood oo Quraanka ku jiro Suurdaha Al.-Nuur iyo Al-Axzaab oo middood Turjumaanka sida khaldan wax u turjumo ula baxay Aayadda Xijaabka, oo dhab ahaantii ah Aayad loogu talagay in ay barto gabadha muslimadda ah sidii ay u asturi lahayd Cawradeeda, Aayadda koowaad waa sidaan:

 

وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖوَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّـهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

 

Waxay Aayadhaan soo dageen ka hor inta uusan Nabiga (SCW) guursan Hooyadda Mu’miniinta Zaynab bint Jaxash, waana dabshidkii shanaad ee Hijriga, waxa Aayadda qeybteedaan وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ay saxday khalad jiray oo ahaa in dummarka marada ay madaxa saartaan aye labada garab ka kala ridi jireen, waxaa muuqan jiray inta u dhaxeyso dhuunta iyo xabadka. Sidaa darteed Aayadda waxay u sheegtay in marada ay hoos u soo dhaadhiciyaan, si xabadka feedan loo asturo.

 

Biloowgii dabshidkii lixaad ee Hijriga ayaa soo dagtey Aayadaan;

 

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُل لِّأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلَابِيبِهِنَّ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰ أَن يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ ۗوَكَانَ اللَّـهُ غَفُورًا رَّحِيمًا / Nabiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu’miniinta isku dada jilbaabihiina, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebana waa dambi dhaafe Naxariista ah.

 

Waxaa haweenkii la faray in ay dushooda ku raariciyaan(dadaan) Jilbaabkooda. Haddaba waxaa caddeen u baa han labo arrimood, Jilbaab maxuu yahay? Iyo Cawradda haweenka ee asturka u baahan?. Jilbaabka waa dhar laga dulgashto dharka hoosta laga qaato, waxaa loo shardiyaa in aan waxa ka hoosaya aynan ka dhex muuqan iyo in uu muujinaynin haweeneyda jirkeeda oo uusan kuu dhaganeyn. Wixii intaas dhaafsiisan waa dhib lagu haayo dummarka Soomaaliyeed.

 

Cawradda haweenka ee asturka u baahan waa jirkeeda oo dhan inta ay Aayaddaan وَلَا وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ soo reebtay oo ah, baahida joogtada ah ee haweeneeyda marka ay dibadda u baxdo oo ah wajigii oo indhihii ay wax ku arki lahayd ku yaalaan, caamaacumihii ay wax ku qabsan lahayd, iyo cagahii ay ku socon lahaydba. Wixii daruuro ay ku noqoto in ay baneeso waa meesheeda oo xukunkeeda ayeey leedahay.

 

Waxaa kaloo u baahan in si sax ah loo fahmo وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ Meelaha ay banaantahay in ay muuqato, oo aan la dabooleenin oo ay aayaddan soo reebtay, culimadda islaamka waa ay isku khilaafsan yihiin, waxaa se nasiib xumo ah in markasta koox ay ku mintido ra’yigeeda oo qura, Waxaa kaloo ladhahaa quruxda (ziinada) ay Aayada soo reebtay oo ay banaantahay in la muujiyo waxaa ka mid ah: indho kuulsha, far-galka iyo labiska naftiisa oo ah in dhar quruxsan ay qaadato haweeneyda, waana sida ku cad Aayaddaan Quraanka ahيَا بَنِي آدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ /Banii Aadamow qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee.

 

Haddaba, gabdhaha Soomaaliyeed miyeeynaan Banii Aadam ahayn maxaa dharka quruxsan in ay cawradoodda ku asturtaan loogu diiday oo Jawaanada loogu xareeyay yar iyo waynba.

 

Ugu danbayntii, waxaan rabaa in aan ku soo gabagabeeyo axaadiithtan ka hadlaya cowrada.  sidoo kale inna Khuzayma iyo inna Xabaan ay ku sheegeen saxiixeenkoodii, oo eraygii Tirmidi ahaa sidaan: ( المرأة عورة فإذا خرجت استشرفها الشيطان ), Xadiiskaan waa saxiix, laakiin macnihiisa Quraanka kuma jiro, Erayga “عورة” waxuu laga soo qaatey luqad ahaan ereyga “االعار” oo ceyb ah, waxaana cawrada ereygaa ceybta ah looga sooqaatey, in ay ceeb tahay in qofka cawradiisa la arko. Sidaa darteed Quraanka laguma haayo Naagtu waa cawro ama ceeb. Taa macnaheedu waxa weeye matniga xadiiska waxuu u baahanyahay in dib loogu noqdo.
Xadiiskii kale ee Caa’isha ( Eebbehey ha ka raali ahaadee) ee aha in Asmaa gabadhii Abii Bakar ayaa u soo gashay Nabiga(SCw) iyadoo xiran dhar khafiif ah, markaas ayaa Nabiga intuu ka jeestay ayuu yiri:” يا أسماء إن المرأة إذا بلغت المحيض لم تصلح أن يرى منها إلا هذا وهذا ” / Asmaayeey haddii haweeneydu gaarto caado helka ma suurtoowdo in laga arko kan iyo kan mooye. Waxauuna Suubanaha tilmaamey wajiga iyo labada cumaacumo, Laakin Xadiiskaan waxay u arkaan in badan oo Ahlul Cilmiga ah in Sanadkiisa iyo Matnigiisaba uusan ansixin, Abuu Daa’uudnÁa waxuu sheegay in uu xadiis la diray (Mursal) yahay, Waayo? KHaalid wiilkii Durayk Caa’isha ma soo gaarin. Inkastoo SHeekh Albaani uu go’aamiyey in Xadiiskaan uu saxiix yahay.
WÁaxaa iyana aan la inkiri karin  in culumada fiqiga qaarkood ay ku doodaan in cowrada gabadha ayna ka mid aheyn inta laga weyso qaato oo tintu ka mid tahay. Iyaga oo u daliishanaayo xadiith laga wariyey Cumar wiilkiisa, lafdiyo kala duwanna ku yimid.  Waxa uu xadiithku  tilmaamaya in waqtigii Nabiga ay asxaabtu rag iyo dumar ba isku meel iyo isku weel ku wada weyso qaadan jireen.
الحديث لابن عمر
لفظ البخاري : ((كان الرجال والنساء يتوضؤون في زمان النبي ـ صلّى الله عليه وسلّم ـ جميعاً)) .
لفظ أبي داود : ((كنا نتوضأ نحن والنساء على عهد رسول الله ـ صلّى الله عليه وسلّم ـ من إناء واحدٍ ، ندلي فيه أيدينا)) .
لفظ ابن خزيمة : ((رأيت الرجال والنساء يتوضؤون على عهد رسول الله ـ صلّى الله عليه وسلّم ـ من إناء واحد))
Waxaan ku raacsanahay aqoonyahanada diinta ee dhahaya: “waxa jirka gabadha ay ku daboosho marka laga reebo wajiga- gacmaha iyo cagaha magac gaar ah oo aan u naqaano majiraan marka laga reebo magacyada dharka dummarka xirtaan oo idil. Waxaan ka eegaynaa oo kaliya in uu qarinaayo jir keeda, qafiifna na ahyn oo laga dhex arkaayo jirkeeda, la eg yahay uusan ka wayneyn. U samaysan yahay qaab ku haboon cimilada ay ku nooshahay qofkaas dumarka ah ama shaqada ay ka shaqayso”

 

Hadiiba aan intaas ku heysano dhaxalka diinta ee maanta aan heysano, waxa in la is weeydiiyo u baahan maxaa keenay in dhaqan ahaan iyo diin ahaan uu is badal deg deg ah ummadda soomaliyeed ku dhaco. Xagee buu se nooga yimid is badalkaas naga dhigay inaan nahay ummad cusub oo diinta ba mar dhow qaadatay? Waxaan dhageystay qaar ka mid ah kur-wadaadadle Soomaaliyeed kana mid ah wadaadaha dambe ee lagu tiriyo fikirka faraha looga gubtay dunidan, waqtiyadaana Soomaaliya qaribay, dhaawaciisa na weli aan naga bogsoonin, ayaa hadal uu jeedinaayey mar aan dheereyn ku yiri: “Gabadhii ugu horeysay oo xijaab qaadatay waxay joogtaa magaalo ku taalo bartamaha Soomaaliya, welina ay nooshahay, waxii ka horeeyey dumarka waa iska qaawnaayeen, ragguna salaada inta tukato masjidka hal saf ma dhameyn”.

 

Asiga oo xijaabka ula jeedo marada madoow ee burburkii wadanka 1991 kadib sida xowliga suuqa uga saartay wax alle waxii dhar ay dummarka soomaaliyed xiran jireen. Kur wadaadle yaal badan baa u tusa in ay maradaas tahay tuu Eebbe faray dumarka wax alle waxii dhar dumar ka soo harana ay yihiin wax ilaahey ka caroodo.Ma mudneyn kur wadaadle yaashas in ay ummad dhan oo 1400 oo sanno muslim aheyd ay ugu gafaan arrinkaas kuna wada sumadeeyaan diin xumo intaas la eg.
Sababta keentay maxay tahay in kur Wadaadle saas u hadlaan ?l
Sida aan wada ogsoonahay waqtiyadii dambe waxaa aad looga shaqeeyey in la kala saaro dharka dumarka iyada oo magacyo iyo astaamo loo samaynaayo. Waxaana si xoogan usoo baxayey aragtiyo dagaal ba’an ku haayey dhaqanka iyo luuqada ummadu leedahay, iyo kaalinta dumarka ay ku leeyihiin bulshada. Waxaan wada xusuusanaa bilowgii sagaashamaadkii in ay dumar badan tacdiyo loogu gaystay labiskoodii asturnaa ee soo jireenka ahaa, waxaa soo shaac baxday oraah aad loo yaqaanay waagaas oo ahayd (caariyaat) oo macnaheedu yahay (way qaawantahay), dumar badan oo soomaaliyeed na oo ay ka mid yihiin hooyooyin hadda joogo na lagu handaday ereyga caariyaad si ay u aqbalaan nooca cusub ee dharxirashada dumarka, taas oo kur wadaadle yaashu ka soo min guuriyeen dhaqqanno ummado kale leeyihiin. Waxayna u mareen wado diimeed in dharkii ummadu qaadan jirtay uusan aheyn mid islaamnimada ku saxsan. Xaqiiqdii wey jirtay wax qaldanaa oo u baahan in la saxo, balse maaheyn heerka la gaarsiiyey ama in dhar xirashadii oo dhan lagu soo koobay noocan cusub ee gabadha duudubayo. Waxa ayna in badan oo kamid ah salka ku haysaa dhaqano iyo aragtiyo la diimaynaayo hase ahaatee aan diin iyo madhab toona shaqo ku lahayn.
Waxaad ka wada dhereg santihiin taariikhdaa ma doonayo in aan waqti ku sii lumiyo tusaalooyin badan, hase ahaatee dummar badan ayaa aqbala handadaada joogtada ah darteed ee kaga imaanaya kur-wadaadle iyo ardaydiisa aan wax saas ah sii kala ogeyn. Iyagoo diin ahaan u adeecayo sida uu wadaadka wareersan uu rabo, cakuye dadkeena wanaagsan ee diinta jecel. Isma ayna waydiin wadaadkan xiiqsan halkuu ka yimid? Talow ma sax baa waxa uu sheegayo, muxuu kaga duwan yahan kuwii aan boqolaalka sano wax ka baraneynay.
Dhanka kale waxaan tixgelinayaa dummarka ku qancay sheekadaan meel awaalka ah ee qaata marada uu kur-wadaadlaha barakeeyey ilaahey ka sokow. Waxaan sidoo kale tixgelin u hayaa kuwa aan qaadan ama aan ku qancin aragtidaan uu wadaadka jahwareersan layimid.

 

Waxaa taageersanahay fikirka dhahaya dummarka ha isu asturaano sida iyaga ku haboon oo dooqooda ah. Waxa aan dummarka soomaaliyeed kula talin lahaa inay iyagana noqdaan kuwa aanan mar kasto diintooda rag marti uga aheyn. Weyna noqon kartaa dhaliil dummarka loo haayo in iyaga laftirkood ay fureen albaab masuul looga noqdo diinta.

 

Waxaan Eebbe weydiisanaya i fahanka saxda ah ee diinta ku ilhaamiyo dhalinyarta Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwooda la wareeriyay, oo haddana rabo in ay gabdhaha ku sii wareeriyaan wax aan diin aheen oo laga soo min guuriyey dhaqamo carbeed. Haddii gabar Sacuudi Abeebiya joogto oo gaari AC ku shidanyahay saaran oo sharabaadka ku xaragooto, inta diin la moodo lagu sanduleeyo gabar Soomaaliyeed oo ku nool waddan Qorraxdiisa 45 degree heerkulkeedu yahay waa nasiib xumo. Waxaana sabab u ah in bulshada lagu khaldo dhex fadhiga Masaajidka iyo cid wax barato iyo cid wax laga barto aynan jirin, Waxaana daliil u ah foolxumada ay Baraha Bulshada la dhex joogaan.

 

بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا ۖ فَصَبْرٌ جَمِيلٌ ۖ وَاللَّـهُ الْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ

 

 

W/Q  Hashim Ahmed Baari
Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close