Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka hadlay nooca siyaasadda dalka u baahan yahay

Ra’iisul Wasaaraaha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedinayey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u soo sameeyeen madaxda iyo dhalinyarada Jaamacada Bariga Africa ayaa ugu horeyn ku ammaanay madaxda iyo shacabka reer Puntland sida ay isu horumariyeen mudadii ay jireen oo gaareysa 20 sano.

Khayre ayaa sheegay in dadkii dalkan xornimada garsiiyey ay dhalinyaro ahaayeen, taasina ay ku keeneen isku duubni iyo wadajir, sidaas darteed uu ugu baaqayo dhalinyarada inay ka fakaraan sidii ay u midoobi lahaayeen  dalkoodana ay dhibaatada uga saari lahaayeen.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in loo baahan yahay siyaasad hufan oo kala saarta awoodda dowladda federaalka iyo dowlad goboleeyada, mar uu ka hadlayey dagaalka deegaanka Tukaraq waxa uu sheegay in dagaalkaas uu dhibaato ku yahay shacabka labada dhinac iyo guud ahaan Soomaaliya sidaas darteed ay haboon tahay in si deg deg ah lagu joojiyo.

Waxa uu sheegay in sanadka 2020-ka ay dowladda rajeyneyso in dalka laga hirgaliyo Dastuur dhab ah shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin, kaas oo ah sharci dadka kala hagaya.

Ugu dambeyntii Madaxda Jaamacada Bariga Africa ee magaalada Garowe ayaa Ra’iisul Wasaare gudoonsiiyey shahaado sharaf ku saabsan sida uu ugu guuleystay xasilinta dalka, waxaana isla goobta lagu siiyey buug ka hadlayey sida loo noqdo hogaamiyo wanaagsan.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close