Wararka

Cabdiraxmaan Cabdishakur oo ku tilmaamay Ciidamada Xasilinta kuwo aan sharci ku dhisneyn

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo ku tilmaamay in ay sabab u yihiin ururka Alshabaab oo taageerayaal ku dhex leh ciidamada xasilinta ee magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA isagoo ku sugan dalka Norway ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn haddii aysan ALshabaab taageerayaal ku dhex lahayn ciidamada dowlada inay gaaraan xarumaha halbowlayaasha dowlada iyadoo baro kontarool oo faro badan ay yaalaan wadooyinka Muqdisho.

“Doodeenu waxa ay tahay in shabaab ay ku dhex leeyihiin hay’adaha nabadgelyada taageero xoog leh waxayna ku dhex leeyihiin dad u sahla inay gaaraan xarumaha halbowlayaasha dowlada.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay ciidamada xasilinta ee magaalada Muqdisho ka howlgala inay yihiin ciidamo aan sax ahayn oo aysan ku jirin heshiisyadii ay gaareen dowlad goboleedyada iyo xisbiyada dalka.

Sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay dowlada federalka inaysan haysan kalsoonida shacabka taasna ay keentay in dadka ay  garsoor u doontaan goobaha ay ka taliyaan ururka Alshabaab.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close