Wararka

Ciidamo badan oo maanta gudaha u galay Magaalada Marka

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha hoose, ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Militariga Somaliya ayaa gudaha u galay Magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa ka ambabaxay deegaanka Shalaambood, waxaana la aaminsan yahay inay yihiin ciidamadii uu horkacaayay Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya Jeneraal Caanood oo maalmahan dhaq dhaqaaq ciidan ka waday Shabellaha hoose.

Ciidankaan oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan ayaa galay Magaalada gudaheeda, iyaga rasaas kala duwan ridaayay, waxaana baaritaan ay ka wadaan Magaalada gudaheeda.

Saraakiil ka tirsan Militariga Somaliya ayaa sheegay ujeedada ciidamada ay u galeen Magaalada Marka inay tahay xaqiijinta ammaanka iyo in halkaasi hawlgalo ay ka fuliyaan.

Xaafado ka mid ah Magaalada Marka oo ay ku sugnaayeen ciidamo aan sidaasi u badneyn oo Shabaab ka tirsan, ayaa la sheegay in ciidamadii Shabaab ay halkaasi isaga carareen, kadib ciidankaan badan oo Magaalada soo galay.

Rasmi ahaan looma oga ujeedada ciidamadan badan ee Militariga ka tirsan gudaha Magaalada Marka ay u galeen maanta

wixi warar danbe ah oo kusoo kordho xaaldaha magaalada Marko kale soco webka Qaranbile.com

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close