Wararka

Ciidan uu amray Fahad Yaasiin oo mudo saacado is hortaagay Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA

Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa ay ku xayireen Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla Maxamed oo doonayay inuu safar kaga ambabaxo dalka.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa waxa ay inoo sheegeen ciidanka xayiray Cabdalla Cabdalla in uu amar siiyay Taliye ku-xigeenka NISA Fahad Yaasiin oo ku wargeliyay ciidanka in Cabdalla uusan garoonka ka bixi karin.

Dadaalo ay sameeyeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda oo ku beel ah Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA ayaa waxa ay sababtay in arrintan uu soo fara geliyo Ra’iisul Wasaaraha, saacado kadibna xayiraadda laga qaaday Cabdalla Cabdalla oo dalka uu ka dhoofay, iyada oo la sheegay inuu aaday dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin kahor ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soo jeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha NISA iyo ku-xigeenkiisa u gudbiyay maxkamadda ciidamada qalabka sida, wuxuuna ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab.

Sidoo kale taliye ku-xigeenka hore ee NISA Cabdalla cabdalla maxamed ayaa laga yabaa inuu macluumaad badan uu la wadaago xarunta sirdoonka ugu weyn wadamada reer galbeedka ee ku taal Jabuuti

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close