Wararka

DEG DEG: Dagaal toos ah oo ka socda Nawaaxiga Madaxtooyadda

Dagaal toos ah ayaa ka socda nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya gaar ahaan, halka loo yaqaan Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Dabley hubaysan ayaa weeraray Koontaroolka Ciidanka ay joogaan, halkaasi oo uu ka socdo dagaal rasaas kala duwan la isku adeegsanaayo.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa la maqlay Qarax gaari, waxaana la aaminsan yahay inuu yahay mid ay ka soo dageen dableyda weerarka gaysatay.

Askari ka tirsan ciidamada Militariga ayaa dhintay oo markiiba ay toogteen ragga hubaysan, walina waxaa socda dagaalka u dhaxeeya ragga hubaysan iyo ciidanka.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close