Wararka

Faafaahinno Laga Helaayo Dagaalo Culus Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Marka

Waxaa goor dhow istaagay Dagaalkii Saacado ka hor ka qarxay Degmada Marka Ee Xarunta Gobolka shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa Bilowday ka Dib markii Kooxda Dad Qalatada ah Ee Shabaab ay Soo weerareen Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dawlada Soomaaliya Oo ku sugnaa Xaafada Abasiibka Ee Magaalada Marka,

Goob jooge ku sugan Halkaasi ayaa ku soo waramaya in Dagaalku uu istaagay hada “Maleeshiyadii UGUS ee weerarka soo qaadayna ay halkaasi  ayaa iska caabin xoogan kale kulantay ciidanka xooga ee dhawaan gaaray halkaas waxaa la sheegayaaa loo saaray  Banaanka magaalada

waxaa hada laga  maqlayaa Rasaas Teel teel ah oo la is  oo kaa dhaceeso magalada banaankeeda

Kooxdaee shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa lagu soo waramayaa in ay kasoo kicitameen Deegaanka Jilib-Marka oo Kooxda u ah Gabaad weyn u ah kooxdaas

Sidoo kale waxa la sheegayaa in ilaa 5 askari oo ciidanka dowlada ka tirsan uu  dhaawac fudud kasoo gaaray iska hor imaadkaas  kuwaas oo hada lagu dabiibayo isla magalada  Marka gudaheeda.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close