Wararka

Fadhi-ku-dirirka Barakeysan Iyo Midka Aan Barakaysneen

Fadhi-ku-dirirka waa wax Soomaali oo dhan wada taqaan; Waxaana daliil ugu filan in la is la wada yaqaano, in dadka  faraha kula jira hawshaas ay kuu qirayaan, iyagoo ku leh: ” Soo dhowoow, meeshaan fadhi-ku-dirir baan ku heynaa ee”. Ama waa mid ku leh: “Fadhi-ku-dirir-ka baan u socdaa amaba ka imaaday.” Mar haddii sidaa la isula yaqaan uma baahno in aan qeexid u sameeyo; Waayo? waxay dhahaan: “war la wada ogyahay xiiso ma leh.” Waxaa se ka hadal u baahan waa halka uu kaga jiro doodaha ama wadahadallada dunida ka jiro.

Waxaa ka loo wax ka dhihid u baahan meellaha uu Fadhi-ku-dirirka ka socdo ma Makhaayaddaha ay soomaalida ku kulanto oo qura ah baa , mise goob kasto oo ay Soomaali ku kulanto Fadhi-ku-dirirka waa ka socdaa, Masaajiddaba Allah ka dhigee?  Haddii se ay dhacdo in koox kasto ay Fadhi-ku-dirir faraha kula jirto, ma la dhihi karaa waa uu kala fadli badan yahay? Ama kala barako badanyahay.

Inta aan faahfaahinta arrimahaas u galin ayaan rabaa, in aan hoosta ka xariiqo, in cidda qura oo hadda shaabadda Fadhi-ku-dirirka lala dhaco, ay tahay dadka Maqaayaddaha Soomaalida isugu tago, iyo qaybo ka mid ah kuwa ku kulmo Baraha Bulshada haba ugu horeeyaane kuwa loo yaqaan “Qaaqleyaasha.” Taa badelkeeda waxaa jiro dadyoow badan oo Fadhi-ku-dirirka la fadhiyo Baraha Bulshada, Masaajidda iyo Naadiyo kale oo lagu kulmo, lakiin aan rumaysneen in waxa ay faraha kula jiraan ay qayb ka yihiin Fadhi-ku-dirka. Kooxdaan dambe ayaan qormadaan ku eegi doonaa hadduu Eebe idmo.

Haddaba, su’aashu waxay tahay ma Fadhi-ku- dirirka ayaa kala fadli badan? Ma Fadhi-ku-dirir barakeysan iyo mid aan barakeysneen baa jiro? Ma in Bisinka loo qabto oo Xamdalada loo raaciyo ayuu ku xalaaloobaa Fadhi-ku-dirirka? Si aan wax uga ogaano dhamaan qodobadaas iyo kuwo kale ba, ayaan waxaan marka ugu horayso rabaa, in aan meel is la dhigno Fadhi-ku-dirirka meesha uu kaga jiro dooddaha dunida ka jiro, Si ay noogu sahlanaato kala shaadhaynta doodaha, cid kasto ha ka qeyb qaadato, goob kastana haka socotee.

Nolosha Aadamaha waxaa ka buuxo mashaakilaad ama caqabado hakkad galin karo geedi socodka xaalad nololleed oo meel ka jirto, markasto oo loo baahdo in laga gudbo mashaakilaadkaas ama caqabadahaas taagan, wadada kaliya ee lagu gaari karo xalka, waa in bulshada ay wada hadashaa ama se doodaa. Waxaa kaloo jirto, in Aadamuhu baahi wayn u qabo in uu wax ka ogaado waxyaabo badan oo ka qarsoon ha ahaato mid diin ama se mid duunyo,  asagoo adeegsanaayo caqligiisa, fikirkiisa iyo macluumaadka uu heysto- Ugu danbayntiina waxuu gaaraa natiijo, dabadeedna natiijada afkaartaas waxay dhalisaa doodo iyo niqaashaad si loo ogaado xaqiiqadooda cilmiga ah oo uu ku fadhiyo fikirkaas.

Waxaa kaloo hoorseed u ah in ay dooddi timaado kala aragti gadisnaanta Aadamaha. Kala gadisnaantaa waa sababa in la wada hadlo ama la doodo. Eebbe(SWT) kama yeelin dadka ummadd qura oo meel u wada jeedo,  وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ   مُخْتَلِفِينَ / Hadduu doono  Eebbahaa waxuu  dadka ka  dhigi  lalahaa ummad kaliya,  mana 
ka tagaan kuwo is khilaafsan .


Haddaba, doodda ama wadahalka guud ahaan waxaa loo qeybiyaa labo qeybood, Doodo togan (positive debates) iyo Doodo taban (negative debates). Waxaana is dultaagi doonaa midba mar, si ay noogu cadaato qaybta uu Fadhi-ku-dirirku ku abtirsado.

Dooddaha Tabanaha Ah (Negative Debating):
Haddii aan ku horeeyo dooddaha tabannaha ah waa noocyo badanyihiin, nasiib xumo waaana kuwa bulshadeena ku badan. Hadd aan soo qaato qaar ka mid ah doodahaa taban:

1)Doodda aan suurto galka ahayn ee iska xujada ah:
Wada hadalka ama doodda noocaan ah waa midda aynan u muuqan hal dhinac ama labada dhinac ay dooda ka dhaxeyso waxaan ahayn, khaladaadka, caqabadaha iyo wax yaalaha tabanaha (negative) ah. Natiijada dooda noocaan oo kale ahna waxa ay ku dhamaadaa faa’iido la’aan, wuxuuna aga tagaa niyad jab hal dhinac ama labada dhinacba, dabadeedna waxaa xiranta rajo kasto oo ay dooddaa hore loogu wadi lahaa.

2) Doodda tartanka is tuska wato ah:
Waa dooddaha labada dhinac ama dhinac qura ay ku tartamaan erayada iyo hadalka loo adeegsanaayo dooda, iyadoo aan dan laga lahayn miraha dhabta oo ay doodu yeelaneyso, dabcan natiijada dooddaan waxay noqotaa in uu dhinac kasto ku dadaalo in uu muujiyo jiritaankiisa.

3) Doodda labo wajiilaha ah:
Dooddaha noocaan oo kale ah waa kuwa sida hadalka loo dhaho iyo sida loola jeedo ay kala duwantahay, waxaa doodda ka buuxo sarbeeb, iyo ereyo qarsoon oo aan macnaheedu caddeen. waxayna dhahaan noocaan waa dagaal xumo.

4) Doodda waddada Xiran:
Noocaan waa midda laba dhinac ay laabta ugu sii jirto sawirka ah, “inaan wadahal Wax faa’iido lagu lagu gaareyn”. Natiijaduna waxay noqotaa, in dhinac kasto ra’yigiisa ku sii dhaganaado.

5) Dood awoodeed (maqal oo oggoloow):
Waa wada-hadalka hal dhanac lagaga takhaluso. oo aan laga maqlin waxaan ahayn ” samcan wa dhaacan” oo kaliya.

6) Doodda iska dulmarka ah:
Doodda noocaan oo kale ah waxaa asaas u ah qaacido dhaheyso: “badda hoos ha u quusin yaynan ku laqin e”, dooddaha noocaan ah wax guud ayaa uun looga hadlaa, marnaba hoos looguma dhaadhaco maduuc khaas ah si xal looga gaaro.

7) Doodda yasmada ama waxba yahoowda ah:
Sawirka dooddaan waxaa asaas u ah qaacida dhaheyso ; ” waxii aniga iga soo haro waa khaldanyihiin.” Labada dhinac ee doodda u dhaxeyso mid ka mid ah ayaa u arka in ra’yigiisa uu yahay midka qura ee saxda ah, wixii tiisa ka soo harana waa aragti doqomeed.

8) Doodda iska soo horjeedka (caksiga) ah:
Waa  midda labada dhinac loo kala socdo. Waxaana aasaas u ah qaacidadda dhaheyso : ” Aniga waa kaa soo horjeedaa mar kasto”

9) Doodda dagaalka qarsoon ah:
Wada hadalka noocaan ahwauu ka tirsan yahay kuwa ugu khatarsan, Waayo? Labadii dhinac oo doodaysay mid ayaa iska aamusa si canaad ah, dabadeedna khiyaano hoos ka maleego.

10) Doodda baaritaanka iyo xog raadiska ah:
Ujeedada dooddaha noocaan laga leeyahay waa in labada dhinac midkood uu doonaayo inuu oggaado macluumaadka iyo fikradaha dhanka kale heysto, waana aqoon korodhsi waddo khaldan loo maray.

11) Doodda Nacamleenta ah (dameer dhaan raacday):
Waa doodda hal dhinac uu hoggaanka u haayo, dhinaca kalena ku raaca 100% wax walbo oo la soo hordhigo, iyagoo aan si fiican la isaga hubsan meesha ay wax u socdaan. Natiijadu waxay noqotaa :   ” Talladaan la ruugin waa lagu rafadaa”.
Waxaa kaloo jiro noocyo kale oo dooddo khariban ah, waxaan se tusaale noogu filan noocyadaa aan kor ku soo xusnay.

Doddaha Toganaha Ah (Positive Debating):
Waxa ay ka soo horjeedaan kuwaa aan kor ku soo xusnay, waxaan se kaga kaaftoomi doonaa in aan tilmaan ka bixiyo waxa ay ku middaysan yihiin oo wanaag ah. Waa dooda xaqiiqo raadis ah, noocee doonto ha ahaatee. Waa dood la doonaayo in looga gudbo khaladaadka iyo caqabadaha markaa jiro. Waa dood labada dhinac oo is hor fahiyo ay ka run sheegaayaan, oo ay dhab ka tahay in natiijo iyo xal waaro laga gaaro doodda. Waa dood lala falgalaayo iyadoo aan lagu taraxgeenin, ama laga badbadineenin. Waa dood hadalladeedu iyo daliillaheedu ay cad-cad yihiin. Waa dood lagu ixtiraamo ra’yiga ka soo horjeedo. Waa dood ku khasbeyso in wixii sax ah la ogolaato, wixii khalad ahna laiska diido. Doodda togan waa mid ku dhacdo jawi ku dheehan is ixtiraam, is maqal iyo kalgacal walaaltinimo.

Haddaba, haddii aan is bar-bar dhig ku sameyno dooddaha Soomaalida iyo labaddii qaybood ee aan u kala qaybinay dooddaha (Posative and Nagative), waxaa akhristoow kuu soo baxayso in inta badan dooddaha Soomaalida  (nasiib darro) ay ku abtirsadaan, qaybna ka yihiin Dooddaha Taban (Nagative-ka) ah. Waxaa kaloo  si joogto ah u arkeysaa in Soomaalida meel kastoo ay ku kulanto ay dood iyo muran la taagan yihiin. Waa yaab ee, ma dadka Aayaddaan lagu tilmaamey oo kale weeye:  وَكَانَ الْإِنسَانُ أَكْثَرَ شَيْءٍ جَدَلًا / Waxayna ahaadeen dadkii kuwa muran badan.

Waxaa kaloo akhristoow soo if-baxay waayadaan danbe, kooxo diimeedyo dooddahaa Fadhi-ku-dirirka ah la dhax taagan Baraha Bulshada, Waxaa laga yaabaa in intiina badan aad horey u daawateen Wadaad  dad ku tirtirsiinaayo (dhiirigalinaayo) in Baraha Bulshadda lagala dagaal galo oo la iska celiyo cid kasto oo wadaadka iyo kooxdiisa ka fikir duwan. Cajiib!, ma Fadhi-ku dirir baa kala fadli iyo barako badan? Ka fiirsasho la’aanta Wadaadkaa waxaa ka dhashay, in uu budka la isugu dhiibo bulsho walaallo ah oo meel wada dagan ilaa qaarkood ay maanta cusbada kala qaadin.

Sidoo kale, waxaa dhacdo in loo adeegsado qaabkaa Fadhi-ku-dirrirka ee diin ku gabadka ah, Waxaad arkeysaa in si foolxun la isagu dhufto dhalinyaro walaallo ah oo qormooyin kala bidhaansaday, falka noocaas ah waa wax laga xishoodo, oo ku cusub dhaqanka Soomaalida. Oo waliba mararka qaarkood waxaad arkeysaa kuwo malaha Fadhi-ku-dirirkaa hoosta kala socdo  oo markey doonaanna   “Like-ta” ama “Lov-ka” la dhaco, ileyn horaa loo yiri: ” Qosolkuba hiiluu galaa.”

Waxaa kaloo wax lala yaabo ah, in qaar ka mid ah dhalinyaradii lagu mashquuliyo Fadhi-ku.dirirka noocaan oo kale ah, iyagoo maalin walbo shaqo ka dhigtey difaaca dad aysan aqoon, galana dood aysan aqoon. Waxaana muuqato in dhalin yaradaa si xun loo adeegsay oo ay qudhooda caawinaad u baahan yihiin.

Haddaad sooyaalka taariikhda dib u milicsato, waxaa kuu soo baxaayo in Fadhi-ku dirarka kooxo diimeedyada uu laba mid uun yahay, labo sina uu ku dhamaado.

– Mid waa kan dhexdooda ka dhaco, waxa uu ku dhamaadaa dagaal  adddag dabadii, in ay dhaawacooda kala gurtaan oo midba Mawlac uu gaar u leeyahay sameysto, oo ay banaan ka kala maraan illayn waa rag is yaqaanee. Markuu Mawlacaas sameysanaayo “Yaa Tol ahayna” kama xishoodo, aaway (دعوها فإنها منتنة)? Mise markii Mawlac la furaayo waxaa loo niyoodaa (دعوها فإنها مأمورة).

– Mid ka kalena waa kan u dhaxeeyo iyaga iyo ciddii khaladaadkooda soo hadal qaado, kaasi waxuu ku bilaawdaa in ay cabsiiyaan oo ay u soo daliiliyaan sheekooyin khuraafaad ah, ilaa aad ka maqasho hanjabaad sidaan oo kale ah; ” War hooy yaynan Seen iyo Geeso Kaa soo bixin ee waxaad wado jooji”. Waxayna ku dhamaataa in lagugu soo fasaxo dhalinyaro aan caqli iyo cilmi ay kaashadaan midna lahayn, oo maalin walbo waxaan macquul ahayn meel walbo la taagan. Ogaada dagaal wadaad mid sahlan ma aha. horaa loo yiri: “Abeeso waxay kugu dishaa dhul u ekaan, wadaadna dad u ekaan.”

Kooxo diimeedyada Soomaaliyeed iyo kuwa la qaraabtaba waxa loogu saliday Baraha Bulshada waxa weeye, in bulshadii oo malkii hore laga maamuli jiray Makarafoonnada Masaajidda, ayaa loo arkay in fursad cusub oo lagu ugaarsado hari yo habeenba in ay meeshaanna ka dilaacday. Markaas ayaad arkeysaa dad dagaal iyo xayeesiin joogto ah ku jiro, halka dadyoowga kale ee dunida ay u isticmaalaan sidaa si ka gadisan. Asaalku waxa weeye in aab bulshada la dhex joogtaa dagaal la’aan, cabsiin la’aan iyo aflagaado la’aan. Fadlan, Baraha Bulshada dhib iyo Fadhi-ku-dirir looma abuurin ee dib uga fiirso waxaad ka dhex waddo.

Ugu danbayntii, waxaa waajib ah in Muslimiinta ay isu naseexeeyaan, waxaanna idiinkugu naseexaynayaa. kol  haddii aad tahay qof ku xiran Masaajidka, waa in aad joojisaa Fadhi-ku-dirika aad ka dhex wado Baraha Bulshada. Masaajidka markaad joogtana warkiisaba daa. Waayo? Markuu qofka Masaajid joogo khadka kaliya ee u furan oo la doonaayo inuu la xariiro waa kii Eebbe (Saree oo hufnaayee), ee khad wadaad iyo Fadhi-ku-dirirkiisa midna ma aha.

 فِي بُيُوتٍ أَذِنَ اللَّـهُ أَن تُرْفَعَ وَيُذْكَرَ فِيهَا اسْمُهُ يُسَبِّحُ لَهُ فِيهَا بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ  /Guryo (Masaajidda) uu idmay Eebe in la Koryeelo Laguna Xuso Dhexdeeda Magaciisa, waxaana ugu Tasbiixsada Dhexdeeda Aroor iyo Galabba.

W/Q ;  Xasan Kismaayo

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close