Wararka

Iska hor imaad khasaare gaystay oo ka dhacay Garoonka C/laahi Yuusuf Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in meel ku dhaw Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaaladaasi uu ka dhacay iska hor imaad khasaare gaystay.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu dhexmaray ciidamada illaalada Garoonka iyo dhalinyaro deegaanka ah, kuwaasi oo meel aan ka fogeyn darbiga Garoonka dhisme damacsanaa inay ka dhistaan, iyadoo muddooyinkii dambe uu taagnaa buuqa amuurtaan la xiriira ee dhulka.

Ciidamada illaalada Garoonka C/laahi Yuusuf ayaa isku dayay inay joojiyaan dhismahaasi, balse dhalinyaradii hawsha waday ayaa waxa ay wateen hub, waxaana taasi ay keentay inay rasaas ku furaan ciidamada.

Iska hor imaadka ciidamada iyo ragga hubaysan dhexmaray ayaa waxaa ka dhashay inta la xaqiijiyay dhimashada askari magaciisa lagu soo koobay Birre, iyadoo halkaasi ay ku dhaawacmeen dad gaaraya afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la gaarsiiyay dhaawacyada afar ruux oo ka tirsan labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaanan wali ka hadlin dhacdadaan maanta ka dhacday Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close