Wararka

Khayre oo soo farageliyay qorshaha lagu xiri rabay Wasiir ku xigeenka dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo farageliyay qorshe la doonaayay in lagu soo xiro Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliya Muqtaar Mahad Daa’uud.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magaalada Garowe ayaa sheegay in arrinta uu xaliyay Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii buuq saacado badan taagnaa uu ka jiray xarunta Wasaaradda.

Khayre ayaa la sheegay inuu amray in la sii daayo Wasiir ku xigeenka, maadaama ay suurageli wayday qorshaha xariga, islamarkaana sidaasi ciidanka ay ku sii daayeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka uu ku sugan yahay xafiiskiisa shaqada arrintana uu dhameeyay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Taliyaha Booliska Somaliya Bashiir Ameeriko ayaa Wasiir ku xigeenka wuxuu kula kulmay xarunta Wasaaradda, wuxuuna u sheegay in ciidamada ay yihiin kuwa fulinaayay amarkii maxkamadda warqadna ay wateen.

Wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay in loo haysto lacago maalmahan ay dalbaneysay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya in lagu soo wareejiyo, taasi oo uu amray Hanti dhawrka guud ee Qaranka.

Sida muuqata qalalaasaha ka dhashay isku dayga xariga ee Wasiir ku xigeenkaan ayaa qaab hoose loo xalinayaa, maadaama markii hore suuragal ay noqon wayday in Wasiirkaan toos loo xiro.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close