Wararka

Madaxweynaha Ertirea oo booqasho taariiqi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha dalka Ertirea Isaias Afwerki ayaa saaka booqasho ku tagay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethopia, iyadoo booqashadan ay tahay mid taariiqii ah.

Booqashada maanta uu ku tagay Magaalada Addis Ababa ayaa waxa ay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah oo uu ku sugnaan doono dalka Itoobiya, iyadoo tallaabadan ay ka dambeysay safarkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku tagay dalka Ertirea.

Waji cusub oo isfahan siyaasadeed ah ayaa u bilowday labada dal, waxaana tani ay muujinaysa inuu dhamaaday boggii colaada iyo kala qaybsanaanta labada dal.

Garoonka Diyaaradaha ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Ertirea Isaias Afwerki.

Inta uu jogo Magaalada Addis Ababa, waxaa dib loo furi doonaa Safaaradii Ertriea ay ku laheyd dalka Itoobiya, sidoo kalena waxaa uu la hadli doonaa Madaxweynaha shacab badan oo gaaraya 25,000 oo qof.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa siyaasad fur furnaan ah la yimid xafiiska, taasi oo keentay saddex bil gudahood guulo waaweyn inuu gaaro.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close