Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Brussels

Madaxweynaha Somaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa saaka lagu wadaa inay u ambabaxaan Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka sida ay sheegayaan wararka.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ka qayb galka Shir heer caalami ah oo ka dhacay Magaalada Brussels, kaasi oo looga hadli doono xaaladda Somaliya.

Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee ka furmaya Brussels waxaa isla Gudoominaya Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda Fredrica Mogherini iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkaan waxaa kale oo ka qayb galaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada dalka ka jira, iyadoo ahmiyada Shirka ay tahay dhanka ammaanka iyo arrimaha la xiriira sidii ciidamada Amisom dalka ay uga bixi lahaayeen.

17-ka Bishan ayaa la sheegay shirka inuu furmaayo, hayeeshe inta ka horeysa Madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono Jaaliyadda Somaliyed ee ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka.

Qaban qaabada Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota Villa Somaliya, iyadoo Ciidamada Koofi casta lagu daadiyay wadada xiriirisa Garoonka Aadan Cadde iyo Madaxtooyadda Somaliya.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close