Wararka

Nin ka mid ahaa ergada oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin mintidiinta ururka Al Shabaab ayaa waxa ay saakay duleedka Muqdisho gaar ahaan degaanka Weedow ku dileen nin Oday ahaa, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Marxuumka la dilay oo watay gaari NOAH ah ayaa waxaa marqura Dableyda ay ku horjareen Mooto VIKON oo ay wateen, kadibna waxa ay ku fureen rasaas, halkaasi ayuuna ku geeriyooday.

Ilo xog ogaal ah ayaa Dhacdo.com waxa ay u sheegeen marxuumka la dilay in lagu magacaabi jiray Sheekh C/laahi Maxamed Rooble, uuna ka mid ahaa ergadii xildhibaanada Baarlamaanka ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay markii ay baxsadeen dableydii dilka geysatay, waxayna halkaasi ka qaadeen Marxuumka oo ay geeyeen xarunta dambi baarista, iyada oo ugu dambeyn la keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi.

Shabaab ayaa horey ugu goodiyay inay beegsanayaan dadkii ka qaybgalay doorashooyinka Xildhibaanada ee ka kala dhacay degaanada doorashooyinka dalka, waxaana Muqdisho horey loogu dilay dad badan oo ka mid ahaa Ergada.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close