Wararka

Qaramada Midoobay oo sheegtay horumar wayn in laga gaaray ka hortagga Burcad badeeda

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in sanduuqa ka hortagga burcad-badeedda oo jiray tan iyo  2011 uu xoojiyay wax ka qabashada amniga badda ee Soomaaliya iyo Galbeedka badweynta Hindiya.

Jaime Serpanchy, oo ah Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Barnaamijka la dagaalanka burcad badeedda ee loo yaqaano UN Counter Piracy Trust Fund (CPTF), ayaa jimcihii sheegtay in taageerada la siiyay dalalka geeska Afrika ay wax badan ka qabatay in horumar laga gaaro dambiyadii la xiriiray burcad badeedka iyo afduubka maraakiibta.

“Muhiimadda 1-aad ee sanduuqa waa inuu dalalka geeska Afrika ka taageero sidii looga hortagi lahaa burcad badeedda, arrintaas oo lagu guuleystay.”Sidaa waxaa tiri Serpanchy.

“Waxaan taageernaa dalal ay ka mid yihiin Somalia, Kenya, Tanzania iyo Seychelles si ay ula dagaalaan burcad badeedda, innaga oo tababar siinna ciidamada badda iyo Booliska iyo weliba hey’adaha arrimahan ku shaqada leh.” syey raacisay.

Wixii ka dambeeyay markii Dowladaha caalamka qaarkood isku baheysteen la dagaalanka Burcad badeeda waxaa hoos u dhacay weeraradii ay ka gaysan jireen Biyaha Somaliya iyo gacanka Cadan.

Khamiistii ayey aheyd markii Kenya ay  marti-gelisay shir caalami ah kaas oo ay ka qeyb galeen wufuud ka badan 200 oo ka kala socotay 68 dal, waxaana xoogga lagu saaray sidii loo heli lahaa istaraatiijiyad lagu cirib tiro burcad badeedda Soomaalida.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close