Wararka

Saraakiil Cadaan oo wata eeyo oo baaritaan ka wada Siinka dheer

Wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Koontaroolka Siinkadheer ee gaadiidka ka soo galaan dhanka Koonfur magaalada halkaasi gaadiidka ku baarayaan Saraakiil Cadaan ah iyo eeyo ay wataan.

Dhamaan gaadiidka rayidka ee ka soo gudbaya Koontaroolkaasi ayaa loo adeegsanayaa baaritaanka eeyo, oo dadka waxaa laga soo dajinayaa Baabuurka, kadibna eey ayaa gudaha loo galinayaa Baabuurka.

Qof la socday gaari rakaab oo ka soo ambabaxay deeganka Ceelasha Biyaha una soo socday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Baabuurka looga dajiyay Koontaroolka Siinkadheer, kadibna gaarigoodiid la saaray eey.

“Gaariga waa nalaga soo dajiyay shacabka dhan eey ayaa la saaray Baabuurka oo urunaayay waxa baabuurka dhex yaallo, meesha Amisom iyo Saraakiil Cadaan ah ayaa joogta oo baaritaanka wada.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa.

Illaa hadda ma cadda sababta keentay baahida ah in eeyo iyo Saraakiil Cadaan ah la geeyo Koontaroolka Siinkadheer halkaasi oo ay ku baarayaan Baabuurta.

Waxaa suuragal ah inuu jiro shaki la xiriira gaadiidka la helay xogtooda oo laamaha ammaanka ay kaga hortagayaan duleedka Magaalada Muqdisho.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close