Wararka

Saraakiil Turkiga uu Muqdisho ku tababaray oo maanta la dhaariyay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dhaariyay 47 Saraakiil iyo Layli Saraakiil, kuwaas oo uu tababaray Turkiga, kadib xalfad lagu qabtay Xerada Ciidanka Turksom.

Munaasabadan waxaa ka qayb galay Saraakiil ka mid ah Millitariga Soomaaliya sida Taliyaha Ciidanka Militariga Daahir Aadan Cilmi, Taliyihii hore C/Wali Jaamac Gorod, Wasiirka Gaashaandhigga Amar-dambe, Gudoomiyaha Gobolka Yariisow iyo xubno kale.

Munaasibadda dhaarinta kaddib ayaa waxaa goobta khudbado ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qaybgalay, waxaana ay saraakiisha iyo saraakiil xigeenta kula taliyeen in ay daacad u noqdaan dalkooda.

Saraakiishan ayaa tababaranayay muddo sanad ah, waxaana tababarka bixinaayay saraakiil ka socoto Turkiga oo saldhigga gacanta ku haya.

Dadka ka qaybgalay munaasibadda waxaa ka mid ahaa Waaliddiinta iyo Ehelka Saraakiisha dhameystay tababarka oo waalidkood la casuumay.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close