Wararka

Taliye Bogmadow oo maanta la wareegaya xilka taliska 43aad Xoogga dalka

Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo xalay ku hooyday Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah inuu si rasmi ah ula wareego xilkaasi.

Taliye Bogmadow, ayaa loo diiday inuu galo magaalada Kismaayo isaga iyo Wafdi uu hoggaaminaayo, kadib markii Jubbaland amar ka soo baxay dib looga celiyay Magaalada Kismaayo.

Suxufiyiin la socota Taliyaha ayaa soo sheegaysa in la qaban qaabinaayo xafladda xil wareejinta Taliyaha qaybta 43-aad taasi oo ka dhaceysa Magaalada Garbahaarey, maadaama taliyaha ay wada socdaan taliyihii hore ee xilkaan laga qaday Ismaaciil Saxardiid.

Inkastoo Taliska qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya uu ku yaallo Magaalada Kismaayo, ayaa haddana xaflada xil wareejinta waxa ay ka dhaceysa Magaalada Garbahaarey, halkaasi oo Saraakiishaan xalay ay ku hooydeen.

Taliye Bogmadow, ayaa xalay kulan amniga ku saabsan Garbahaarey kula qaatay Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee Gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa halkaasi joogga oo siyaasad ahaan aanan taageersanayn Jubbaland.

Khilaaf culus ayaa ka taagan magacaabista taliyaha cusub oo la kowsaday diidmo adag oo ka timid dhanka Maamulka Jubbaland.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close