Wararka

Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay degmada Buula Burde

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan waxaa degmadaasi ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, loona maleynayo in ay ka dambeeyeen Mintidiin ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Guddoomiyaha degmada Buula Burde Cabdi Daahir ayaa waxa uu sheegay in agagaarka garoonka diyaaradaha ciidamada ay ku arkeen waxyaabaha qarxa oo halkaasi lagu aasay, intaasi kadibna ciidamada ay qarxiyeen, islamarkaana aanay jirin khasaare qaraxan ka dhashay.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay Shabaab in hawshooda ay ku soo uruurtay inay geystaan weerar fuleynimo oo inta badan ay ku waxyeeleynayaan shacabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Guddoomiye Cabdi Daahir aya yiri sidan “Buula Burde wax ka dhacay oo dhibaato ah ma jiraan, meel garoonka diyaradaha ku dhaw ayaa lagu arkay waxyaabaha qarxa, ciidamada Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ayaa ka hawlgalay miinada ayay qarxiyeen, wax khasaare ahna kama dhalan, qaraxa kama dhicin garoonka gudihiisa”.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close