Wararka

Wararkii ugu dambeeyay weerarka & Qaraxyada ka dhacay Muqdisho

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa soo afjaray weerar rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay ku soo qaadeen Koontaroolka Ciidamada Militariga ay ku leeyihiin meel ku dhaw Beerta Nabadda agagaarka Isgoyska Umbulutooriyadda.

Weerarka ayaa ku bilowday rasaas ragga hubaysan ay ku fureen ciidanka, iyaga oo dilay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Militariga iyo Xoogaga hubaysan.

Ciidanka Militariga ayaa si adag isaga caabiyay weerarka ay soo qaadeen ragga hubaysan, waxaana ragga hubaysan u suurageli wayday inay u dhawaadaan Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Militariga.

Dableyda hubaysan ayaa galay luuqa u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda, halkaasi oo ciidanka si adag ay ugula dagaalameen.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa qarxay gaari ay ka soo dageen ragga hubaysan, kaasi oo ku qarxay meel ku dhaw MCH-ka ku yaallo meel aan sidaasi kaga fogeyn Isgoyska Umbulutooriyadda.

Mar kale iyadoo uu socdo dagaalka ayaa haddana la maqlay qarax, waxaana isqarxiyay nin, kaasi oo qayb ka mid ah maydka jirkiisa ku soo dhacay Isgoyska Umbulutooriyadda.

Ciidanka dowladda ayaa soo afjaray weerarka, balse ma cadda ragga hubaysan inay toogteen iyo inay baxsadeen raggii hubaysnaa ee weerarka tooska ah soo qaaday.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close