Wararka

Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo loo magacaabay Guddoomiye degmo ka tirsan Muqdisho

Mahad Cilmi Cali oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Waaberi.

Wararka laga helayo xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xilka laga qaatay Rowdo Colaad oo aheyd Guddoomiyihii degmada Waaberi.

Magacaabidan iyo xil ka qaadistan ayaa ka sheegay inay qeyb ka tahay qorshayaal is bedelo logo sameynayo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasoo laga wado Xafiisyada sare ee dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magacaabida xilalka guddoomiyeyaasha degmooyinka ay qeyb ka tahay xalin siyaasadeed iyo balanqaadyo loo sameeyay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Labo cisho ka hor ayay aheyd markii Guddoomiyaha degmada Hodan loo magacaabay nin dhalinyaro oo lagu magacaabo C/xakiin Dhegajuun.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close